Thursday, May 02, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

AYAX TAG EELNA REEB!– Cigaal Caymo

Qore: Cabdirisaaq Baraag

Ujeeddooyinka qormadaydani waa labo. Waa midda kowaad oo ah in aan kala saaro labo qaybood oo suugaanta Soomaalida ka mid ah. Waa ‘xig’ iyo ‘maahmaah’. Iyo midda labaad oo ah waxii igu dhaliyey. qormadan.

QOUTE: is a saying of certain person. Example: ‘a man is not finished when he is defeated, he is finished when he quits’. – Richard Nixon.

XIG: waa oraah, hal-hays iwm ee qof gaar ah ama la yaqaani leeyahay. Tusaale: ‘Baabahdaa u daran’. – Cali Maahir. Waxa xigtani ku baxday mar kale ayaan faahfaahin doonaa haddii Rabbi idmo.

Xig, sideedaba, waxaa laga keenay dhaqankeenii hore ee miyiga. Waa marka geela inta la maalo goor kale la godlo iyada oo aan caanamaalkii xigay la gaarin. Inta fiidka hore carruurta iyo cidda loo liso ayaa geela dhalay, hameen barkii ubadka yaryar loo kicin jiray si ay u nuugaan (u xigtaan). Ama inta geela la maalo ayaa goor dambe cid aan laga seexan karini, sida marti sokeeye ah, culimo ama qof xidid cidda la ahi, soo dhici jirtay markaas ayaa geelii fiidkii la maalay loo soo xigi jiray. Laakiin, 1950dii-70dii goortii farta la qorayey ayaa eraygan ‘xig’ la reer magaaleeyey. Waxaa laga dhigay ‘xigasho’. Waxaa magac looga dhigay hadalka cid kale laga soo xigtay, sida: buug, joornaal, hadal duuban iwm.

Maanta se, qorshe labaad ayaan u hayaa. Waa in aan ku micneeyo erayga Ingiriiska ah ee ‘quote’ ee aan kor ku soo qeexay.

Sida ay ‘proverb’ uga duwantahay ‘quote’ ayay ‘xig’ na uga duwantahay ‘maahmaah’. Si fiican ugu fiirso qeexidda hoose ee ah kala duwanaanshaha labada eray ee sare ee Ingiriiska ah.

“Proverb is a short sentence based on long experience; but quote is saying of certain (known) person”.

Maahmaah waa hadal murti ah, gaaban oo micne weyn soo koobaya. Waxaa badanaa la soo celiyaa marka arrin tu horay looga maahmaahay u sansaan egi soo laabato. Xig se waa hadal asna gaaban, murti leh horay na loo yiri. Hase ahaatee, waxa ay maahmaah kaga duwantahay iyada oo la yaqaano cidda dhab ahaantii hadalkaasi ka ahaaday sida ‘ayax tag eel na reeb’ oo ka sugnaatay Cigaal Caymo. Ayaxa uu sheegayo Cigaal waa Ayax Maxamed Dhawre. Waa abbaaraha qarnigii ina dhaafay billawgiisii, meeshuna waa Mudug. Inta kale waa taariikh, ciddii doontana waxa ay kaga bogan kartaa qormada cinwaankeedu yahay ‘Ayax Tag Eel na Reeb’ ee Somalitalk.com lagu soo daabacay.

Ayax tag eel na reebSida sawirka ka muuqata, waxaa aan xigtaas ku arkay buug uu qoray qoraaga, Md. Anwar Maxamed Diiriye. Buugga magaciisa waxaa la yiraahdaa ‘Literature of Somali Onomastics & Proverbs with Comparison of Foreign Sayings’. Waxaa lagu kaydshay in badan oo magacyada iyo maahmaahyaha Soomaaliyeed ah. Waxa uu ku qoranyahay Ingiriis iyo Soomaali labadaba.

Qaybta xigtu ku qorantahay waa qayb maahmaahyo Soomaali ahi ku dhiganyihiin. Waxaa maahmaahyada lagu fasirayaa Ingiriis. Waa bogga 135. Waxaa ku dhigan ‘Ayax teg eel na reeb’. Waxa ay ku tirsantahay in ay tahay maahmaah. Taasi na waa sababta aan u go’aansay, sida ay aniga ila tahay, in aan kala saaro ‘xig’ iyo ‘maahmaah’. ‘Ayax teg eel na reeb’ ma aha maahmaah ee waa xig. Waxa ay la mid tahay ‘Wiil ducaysani reerkoodii buu jiraa’. – Dhoorre Xasan. Xigtani waxa ay ka soo jeeddaa sheeko dhex martay Dhoorre Xasan Samatar iyo mid ka mid ah ooryihiisii ama inamahiisii. Waxaa gurigiisa iyo golayaashiisha geeliisa dhoobnaan jiray wiilal reerahoodii ka soo tagay oo isaga xoolaha u raaca una dhaamiya. Markaa qoftaa dumarka ahi waxa ay u bogi wayday wiilasha oo aan ilaalin haamaha la dhaansanayo. Deedna waxa ay odayga u gudbisay codsi ay ku leedahay maad naga baddashid wiilasha dhaamiya oo aad noo keentid wiil ducaysan oo dhaanka si hagaagsan u haga. Dhoorre waxa uu ku jawaabay xigtan caanka noqotay,‘Wiil ducaysani reerkoodii buu jiraa’.

Qore: Cabdirisaaq Baraag
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.