Friday, May 03, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynaha dawladda Puntland oo u amba baxay dalka Itoobiya ugana sii gudbi doona waddanka Imaaraadka Carabta

Warsaxafadeed:

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 October, 2016 Garoonka diyaaradaha ee Konoko kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaanayey oo ka kooban labada gole ee dawladda Federaalka

garoowe_soo-dhaweyn-ccc-iyo-sii-dhaweyn-cabdiwali1
Cumar Cabdirashiid oo soo gaadhay Garoowe

Soo dhoweynta Ra’iisul-wasaaraha ayaa waxaa ka qayb qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi, guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Wasiirro, Xildhibaano iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha ayaa kulan gaar ah ku wada qaaday gudaha Garoonka diyaaradaha ee Konoko iyadoona shirkooda kadib ay si wada jir ah ula hadleen qaybaha kala duwan ee warbaahinta.

Madaxeynaha dawladda Puntland ayaa sheegay In ujeedka socdaalka Ra’iisul-wasaaruhu ay salka ku haysey ka qayb-qaadashada xal u helida shaqaaqooyinkii soo noqnoqday ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay dawladda Puntland diyaar u tahay wax walba oo wanaag lagu gaari karo laguna ilaalinkaro deris wanaagga iyo walaaltinimad dadka reer Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tibaaxay in uu Ra’iisul-wasaaruhu indha indhayn doono qaabka ay Puntland uga socoto hirgelidda hannaanka geeddi-socodka dorashooyinka dadban iyo sida ay shacabka reer Puntland ugu diyaar garoobeen.

garoowe_soo-dhaweyn-ccc-iyo-sii-dhaweyn-cabdiwali
Dad tuban garoonka Garoowe oo sugaya soo dhaweynta iyo sagoootinta xubnaha dowladda

Dhinaca kale Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in uu magaalada Cadaado kulamo kula soo qaatay Madaxda maamulka Galmudug isla markaana uu kala hadlay sidii ay docdooda u joojin lahaayeen colaadda Gaalkacyo, iyadoona uu xusay Ra’iisul-wasaaruhu in uu maamulka Galmudug jeediyey baaq nabadeed oo ay ku doonayaan xal u helidda Gaalkacyo.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u amba baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta Waddanka Itoobiyada isagoona kusii jeeda waddanka isutagga Imaaraadka Carabta halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Madaxda ugu sarraysa dalkaasi.

Madaxeynaha ayaa tilmaamay in ujeedka socdaalkiisa ee Imaaraadku uu salka ku hayo sidii ay dawladda Imaaraadka Carabta ugala hadli lahaayeen arrimo muhim ah oo la xiriira mashaariicda horumarineed iyo dhimaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland oo ay ka mid tahay barnaamijka ballaarinta dekedda magaalada Boosaaso.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA
EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.