Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Seygii Saaqidka Ahaa! (Qeybtii 2-aad)

W.Q. Cabdicasiis Maxamed Shidane

Shidane
Cabdicasiis Shidane

Si aan is kaga qaado heeryada gumeysiga aan ku jiro, waxaan go’aan buuxa ku gaaray in aan waxbarashadeydii dib ugu laabto. Gabadha la dhalatay seygeygana aan iga guur ku iraahdo, waayo war iyo dabagurid iga  deyn mayso. Aad ayey ii xanuujineysay in aan arko gabadh igu fil ah oo aroor kasta u jarmaadeysa waxbarasho, aniguna aan aqalka is ka dhex fadhiyo, aniga oo dhawraya hadalka nin iga aaminsan in aan ahay agab loo gu talagalay galmo iyo cunta karin uun. Nin aan ii ogalayn in aan kobciyo naftayda, iyo in aan ka mira-dhaliyo himilada ii qaadaadhigan iyo hankayga. Waxaa igu dhashay kacdoon xooggan, kaas oo aan ku rejo weynahay in uu ii horseedi doono guul iyo gabannimo qofeed. Waxbarashadii ayaan dib ugu laabtay, hinnaasihii ninkaygana cirka ayuu is ku shareeray, oo wey dhibaysaa in aan buug iyo qalin dib u qaato. Anigana waxaan nolal u arkaa in aan maalin walba kallaho, si aan wax uun u soo dheefo.

Markii uu maqlay in aan billaabay waxbarashadii, walaashiisna aan hilfahaaga ka qaado ku iri guriga, ayuu si degdeg ah ugu soo laabtay dalka, isaga oo cadho iyo ciil la joogi la’. Wuxuu billaabay erayadii iyo hadalladii xambaarsanaa quudhsiga iyo burburinta hammigayga. Waxaan billaabay in aan ka falceliyo wax alla iyo wixii uu igu dhaho. Markii hore waan hundhursan jiray kolkii uu i canaanto, oo illin ayey indhaheygu la burqan jireen, hasa yeeshee, toogtaan waan soo jeestay, oo waxaan ogaaday raalli-galinta qof bini’aadan ah in ey tahay yool aan marnaba la gaari karin. Xushmaddii uu shalay markii uu i xodxodanayey ii muujin jiray kuma hayo. Wuxuu iiga baxay ballamihii ugu muhiimsanaa nolashayda, sida in uusan iga qaadi doonin xorriyadda qofnimo iyo in aan waxbarashadayda sii wadan doono. Waxaas oo dhan  waxey noqdeen xaanshi taalla meel dabeyli ku dhabaneyso.

Markii uu dareemay in xaalku cakiran yahay, isaguna wax isbaddel ah uusan diyaar u ahayn, wuxuu miciinsaday in uu hooyadey igu dacweeyo, igana gudbiyo dacaayad iyo warxumo, sida in aan ahay qof aan dhawrsaneyn oo soohdin celisa jirin, si xunna u labbisata, is carfisa, saaxiibbo badan, waxbarasho aan naag xaas ah loogu talagalinna wadda, iyo wax kasta oo uu ku fool xumeyn karo sumcadda shakhsiyaddeyda. Hooyadey waa qof dabacsan ilaa iyo xad, una nugul dhaqanka bulshadeenna iyo waxyaabaha khuraafaadka ah ee uu ninku ka aaminsan yahay qofka dumarka ah. Runtii anigu waan ka biya-diidday talo iyo tusaale kasta oo hooyo soo jeedisay, maxaa yeelay, nolashayda ma u burburin karo qof bini’aadnimadeyda dhibsanaya. Hanjabaad ayuu billaabay seygaygu, sida in uu biilka iga jaranayo, gogashana igaga hullaali doono, balse, waxaas oo dhn wixii ka muhiimsanaa ayaan meeshaba oollin, sida kalsooni iyo dabarkii aaminaadda oo kala go’ay.

Buuq dheer ka dib, waxaa dhacday in uu iga jartay biilka, is kuna dayo in uu ii gacan-qaado. Wuxuu sameeyay maalin aniga oo iskuulka is ku diyaarinaya, in uu buugaagtii iyo boorsadii iga qariyay, albaabkana ii istaagay, isaga oo iigu hanjabaya wax kasta oo i cabsi galin kara. Mar wuu i aflagaadeeyaa, marna xagga diinta ayuu maciin bidayaa, oo waano iyo gooddis ayuu is ku dhafaa, wuxuuna ka sheekeynayey nacalad, naar, iyo naxariista Rabbi in aanan heli doonin. Anigu se Ilaahey in uu sidaas u caddaalad xun yahay ma rumaysani. Markii uu buugaagtii iyo boorsadii iga qariyay, ayaan is ku dayay in aan baxo, aniga oo fara madhan, balse, wuu i kala tuuray, isagoo islamarkaana feedh iyo haraati iigu daray, jugna iga gaarsiiyay foolka, madaxa, iyo kalxamaha. Waxa qura ee ka yaabiyay ayaa aheyd in aanan illimeyn, oo waliba aanan gacan u qaadin.

Runtii wuxuu dareemay nacasnimo midda ugu xun, waayo waxaa fajac ku noqotay qof dhan oo uu garaacayo, misana aan is ka qabaneyn, wax illin ahna ka imaaneyn. Maalintaas neeftuur iyo meehanaaw ayuu ku dhammeystay, aniguna waxaan ku wargaliyay in aan barri aadayo waxbarashada, siiba aniga oo wajigii uu iga garaacay aanan qarin doonin. Si uu wax yeelo ayuu garan waayay, waxaana la wareegay dhulkii, waayo fadeexad uga xun ma lahan in dadku arkaan foolkeyga oo doorsoomay. Waxyaabaha aanan marnaba fahmin ayaa ah in uu weliba is la saxnaa, kuna andacoonayo in garaaca iyo aflagaadaduba yihiin wax aan anigu mutaystay.

Wuxuu billaabay in uu la tashto qoyskiisa, waxeyna u soo jeediyeen in uu iska key furo, maadaama aanan aheyn gabadh dhaqankaas gumeysiga ku dhisan aqbalaysa, balse, wuu ka biya-diidday furriinkii. Haa, waa gartiis, oo furriinku waa awoodda qura ee gacanta ugu jirta, aniga se wax miisaana ila ma lahan, maxaa yeelay, wax ku soo laaban doona sidii hore ma jiraan. Waxaan maalin ka dib ka dhuuntay gurigii, waxaana aaday waxbarashadii, aniga oo fara madhan, oo buug iyo qalin midna sidan. Gabadh aan saxiibbo aheyn ayaan u xogsheegtay, waxeyna igu qalqaalisay in aan iyada raaco, oo aanan ku laaban hoygaas hoogga saldhigga u noqday. Musiibada ugu weyn ee i heysata waxaa ka mid ah in aanan u laaban karin aqalkii hooyadey, maxaa yeelay, dhibka in aan aniga ahay iyo gabadh dacwooneysa ayey ifka ugu nacebtahay hooyo Ceynabo.

Markii aan tagay gurigii saaxiibteey, ayaa waxaa i arkay walaalaheed, kana xumaaday hab-dhaqanka seygayga, waxeyna mar qura dhaheen, “noo geey ninkaan, innaga ayaa waxa uu mudan yahay tuseynee”. Xaqiiqdii, ma dooneyn in dhallinyaradu wax dhib ah u geystaan seygayga, mana iga ahan jaceyl aan u qabo, ee waxaan diidayay in tillaabadaasi keento isku dhac iyo foolxumo ka sii daran midda hadda aloosan. Waxaan xoogga saaray in dhibku aniga uun igu ekaado, ilaa iyo inta aan ka helayo xorriyaddeyda. Toddobaad mar aan sii maqanahay, ayey hooyadey furka tuuratay, oo ay ku baraarugtay dhibka i haysta. Waxey dareentay in aan ku suganahay qaxar iyo quursi abaabulan oo loo galiyay shaati dhaqan iyo fahan diineed oo waaqaca nolaleed ka fog. Hooyo Ceynabo oo ah qof ila jacel in aan dhaqdo qoyskayga, waxey billawday in ay u gardhigato reerkii Seygayga. Waxey tabar ka raadisay walaalaheed, si ey u soo faragaliyaan arrinkaan is ku milqan. Seygaygu wuxuu soo dhistay marmarsiyo iyo eedo foolxun oo ah in aan ka xaday lacag aad u fara badan oo aan doonayo in aan tahriibo. Runtii, ma tahriibin, ee magaalada Muqdisho oo aheyd halka aan ku noolaay ayaan dhinac ka joogay. Gaar ahaan degmo ku dhaw midda aan degganay.

Mar aan sii maqanahay toddobaadkii labaad ayaan hooyaday wacay, waayo ma doonayo in ay walbahaar iyo walaac ku jiifato hooyo, waxey iga soo maratay iyo dhibkii ey korriimadeyda ka soo martay ayaan ogahay, oo xasuustayda ka go’in. Kolkii aan wacay ayey ooyin la dhacday hooyo, iyada oo igu oranaysa “Hooyo, ma nooshahay?! ma ii nabadqabtaa?! ” Waan dajiyay hooyo, waxaana u sheegay in aan badqabo, kuna suganahay meel aan ka fogayan. Hooyo mar labaad ayey ooysay, iyada oo ka xun inta mar ee aan u soo dacwooday, balse, ay u malaynaysay in aan ahay waxa loo yaqaan “mukhaalifo” oo micnaheedu yahay mid hareer marsan amarka iyo farriimaha ninkeeda, oo aan u fahmay in ey tahay sheeko ragga qaar sameystay, si ey u cabiidsadaan dumarka.

La soco qaybta 3aad.

W/Q; Cabdicasiis Maxamad Shidane.
Email: [email protected]

Akhri sidoo kale

Seygii saaqidka ahaa (Qaybtii 1aad)

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.