Thursday, May 02, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

SILSILADDII XAYDHA

Qalinkii: Shaafici Qaasim Nuur

“Meeshaan hannaan gobannimo iyo, hadiyad eegaayey
Haf miyaad la tidhi xaydh sidaad, haan ku dhayanayso
” ***** ***** ***** ***** *****
“Hayin iyo markaad subag heshaan, Hawd kusoo mariyey
Ea aad laba gadiid ka hirqataad, honono’aysaaye”

sawir 3
Shaafici Qaasim Nuur

Soomaalidu waa ummad suugaanta quudata, gabayga iyo gabyaaguna waxay noloshooda kaga jireen meel sare. Raggii ay Soomaalidii hore qaddarin jirteyna waxa ka mid ahaa wadaadka diinta yaqaan, gabyaaga aftahanka ah iyo isinka ama hoggaanka dhaqanka. Waa ummad odhaaheed oo waxay fac-ka-fac isu soo gudbinayeen maahmaaho, meerisyo gabay ah iyo sheekooyin murti leh, kuwaas oo aanay jirin kutub ay ku qoran yihiin oo laga soo min guuriyo balse afka uun lagu kala dhaxli jiray. Iyadoo ay sidaa tahay ayaa haddana waxa far qorid la’aanta kaga lumay suugaan badan iyo weliba kasmooyin idil oo madax bannaan sida xiddigiska, isku daaweynta dhirta iyo barashada degaanka.

Markii qoraalka farta Soomaaliga la hirgeliyey 1972 kii ayaa la isku deyey bal in la daba qabateeyo suugaan badan oo haddii aan markaa la qori lahayn aan maanta wax naf leh laga xasuusteen. Suugaantii xilligaa la aruurshay waxaa ka mid ahaa gabayadii xiisaha lahaa ee Silsiladdii Xaydha, taas oo ah sheekada iyo tixaha is huwan ee aan maanta idinku jalbeebin doono.

Hilaadda 1941 kii kolkii dagaalkii labaad ee adduunku socday ayaa socoto awri u shixman tahay ka ambabaxday ceelka Burco. Socotadaasi waxay ahayd rag usoo safray reerahoodii oo markaa yiillay bannaanada Xaguuga iyo Xalxalis. Raggaasi waxay ka koobnaayeen xidid iyo xigaalo aan la tarraxin. Markii Burco laga soo ambabaxay jicsinkiina badankiisii lasoo gatay ayaa nin la odhanayey Xirsi Cali Buraale oo Xirsi-Caamir loo yiqiin lagu yidhi, “Xirsiyow adiga ayaa awr caddaysimo ahi kuu xidhiidhsan yahaye, orod oo subag aynu kusii jid-marno inoo soo iibi.”

Xilligaas subagga rag shafeecsado ama jicsin u qaato waxa ugu mudnaa sixinka, haddii la waayana dhuuxa ama heenka hadba sida loo yaqaan. Xirsi-Caamir wuxuu soo iibiyey subag heen ah, balse markii danbe lagu ilaaqay, xaydhna laguba sheegay. Dhaliishaa waxa aloogay Weerar Cali Geelle oo raashin uu Burco kasoo miistay safarka ugu xidhiidhsanaa, socotadana ka mid ahaa.

Weerar Cali Geelle wuxuu Xirsi-Caamir ku haaraamay inuu wax usoo hadoodilay oo subag aan wanaagsaneyn uu ragga la hor yimid. Si gaar ah waxa uu uga hafeefanayaa inuu bisad ka yaraaday markii nimankii ay xididka ahaayeen soortii xilka lahayd lasoo hordhigay. Midhkaas oo haddiiba uu jiro Xirsi facshar iyo fadeexad ugu filnaa. Bal u fiirso sida raggii hore cidda ay hablaha kala qabaan uga sarriigan jireen, waa intii xishoodka la huwanaa ee xirribuhu dadka ku yiilleen e.

Markii reerihiiba lagu soo dhowaaday ee la maraayo meesha la yidhaahdo Ceeg, subaggiina lagu soo jid-maray ayaa Weerar af labadii yeedhay, wixii uu qoonsadayna diirka ka qaaday. Wuxuu Weerar halkaa ka mariyey tix markii danbe ka gar-naqeedii afarta geriyahan ba ku ekaaday, illaa ay gaadhay heer nin kasta oo wax is-taawiyey oo geyigaa joogeyba isku deyey bal inuu itaalkii ka gar-naqo. Waxaanse meesha ka madhnayn in markii uu Weerar gabayga bilaabay uu uga dan lahaa inuu abuuro kaftan jidaasha laysku dhaafiyo, jidkuna kusoo gaabto.

Sida aynu ka dhex bidhaansan karno tixaha inagu soo food leh, raggii hore si hufan ayuu u haasaawi jiray una kaftami jiray iyadoo aanu afku ka duulin arrinkuna ka dhooqoobin. Ayeyday Cambaro Faarax Bullaale, oo ah waayeel dhaqan yaqaan ah, mar aan u akhriyey labada gabay ee silsiladdan u horreeya, waxay la yaabtay sida farshaxannimada leh ee ay raggaasi isugu hal celinayeen, waxaanay igu tidhi, “Ayeeyo hadday kuwa maanta jooga yihiin markiiba huudh ayay isu qaadi lahaayeen.” Si kastaba ha ahaatee gabayada silsiladdii xaydhu, marka laga tago hadal haynta sheekadooda, waxay reebeen meerisyo badan oo halhays noqday kuwaas oo loogu maahmaaho kolba cidda loola gol leeyahay.

Iga hooya haddaba tixdii ugu horreysay ee uu Weerar Cali Geelle silsiladdaas ku ibo-furay. Isaga oo Xirsi ku darraabaya in aanu si wanaagsan ugu hagar bixin ee uu hafaryo uun usoo hadoodilay ayuu yidhi:

Xirsi-Caamirow layna hiif, laguna haaraanye
Allaylahe habaar baad qabtaa, waana la hubaaye
Rag hadduu hor fule kaa dhigtoo, hibo laguu yeelo
Waa loo hagaajaa anfaca, hadasho waa ceebe
Nimankaan hablaha kala qabniyo, hurinta reer Muuse
Inaad la hor martaa may ekayn, waxan habboonayne
Hor Ilaahay soor wacan adaan, noogu hawl geline
Hilibka iyo maakhirigaba waa, heli karayseene
Hareeraha kun miidaa jiroo, laga hiraabtaaye
Meeshaan hannaan gobannimo iyo, hadiyad eegaayey
Haf miyaad la tidhi xaydh sidaad, haan ku dhayanayso!!

Markii uu Weerar tixdaa la sara-kacay, faqiina fagaare u beddelay ayaa Xirsi Cali Buraale na is daafacay. Gacanta kamuu hadline afka ayuu ka hadlay. Farshaxan buu ahaaye, dhinacyo badan ayuu Weerar wax ka tusay. Marka hore waxa uu Weerar Xasuusinayaa inay labadooduba magaalada ku wada jireen, uuna haystey kansho uu isaguba ku iibsado subag iyo surbiyaan kolba kii uu jid-mar ahaan u janto.

Mar labaadka ayuu Xirsi ku gar-naqsanayaa in subaggii uu benderka kasoo gaday somal-haadkii socodka dheer la iska soo xigsiiyay, dhawr subaxna safraddii la iskaga biiyey, sidaa darteedna tixda uu Weerar ku alaladay ay tahay hadal meel waayay. Meel kale oo gabayga ka mid ah ayuu XirsiCaamir sidii wadaad xarafka diineed ku xeel dheer uu u wacdiyayaa Weerar. Wuxuu ku waaninayaa in wixii jidiinkiisa mara ee uu shafeecsado wax ka sheeggoodu aanu habboonayn. Gebo gebada ayuu Xirsi ku dacwiyayaa in haddii soortii uu isagu soo gaday Weerar la silloonaatay ay ahayd in uu dhinac isaga duwo, dheefteedana ka qado. Waxa uu yidhi XirsiCaamir isaga oo Weerar u hal celinaya:

Hadal kaad i tidhi Weerarow waa, huf iyo beene
Adiguba hortey waxaad fadhidey, hooska tuulada e
Habeennuu wax sii ururiyaa, Hawd ninkii qabanne
Haydaarada iyo waad ogeyd, hilinki dheeraaye
Hayin iyo markaad subag heshaan, Hawd kusoo mariyey
Ee aad laba gadiid ka hirqataad, honono’aysaaye
Hareeraha ka leefkii markay, gacantu haarowdey
Waatay fartii hilib dalqaha, sii harraatidaye
Nin wixii hungurigiisa maray, hiifay waa qadafe
Hareer baabu isaga weeciyaa, waxan habboonayne
Haddii uu hogseeg yahay, maxaad uga hakoon weydey?

Filo hormada 2aad dhowaan….

Qalinkii: Shaafici Qaasim Nuur
Email: [email protected]
—————-
Mahad-celin: Waxaan mahad gaar ah u celinayaa af yaqaanka weyn ee Cabdillaahi Diiriye Aw Guuleed (Carraale), kaas oo cajalad laga qabtay 1983 kii aan kasoo xigtay gabayada xooggooda. Cabdillaahi aabbihii, waa Diiriye Aw Guuleed e, waxa uu ka mid ahaa raggii ka qayb qaatay Silsiladdan Xaydha.
Waxaa xusid mudan in buugga Af-Soomaaliga ee fasalka 8aad ee manhajkii hore uu isna tixraac muhiim ah ii ahaa.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.