Sunday, May 27, 2018
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Market Bazaar
  • Slideshow

“Bitcoin” muxuu yahay, sidee buu u shaqeeyaa?

W/Q Maxamad Dalmar

Odhaahda Tifaftirka: Bitcoin oo ku soo biiray adeegisga lacagaha Adduunka muxuu yahay, muxuu kaga duwan yahay lacagta Hawada  (mobile money), qaabkee loo adeegsadaa, yaa ka dambeeya maareeynta iyo habsami u socodka Bitcoin, ama taageera xowliga uu ku socdo? Saameynta Bitcoin ku leeyahay ama yeelan karo ganacsiga iyo dhaqaalaha adduunka iyo guud ahaan marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray adeegsiga lacagtu, ayaa waxaa si qoto dheer (an in depth analysis) uga waramaya Bare Sare Maxamed Dalmar oo ah khabiir ama xeel dheere Dhaqaalaha u kuur gala.

_______________

“Bitcoin” muxuu yahay, sidee buu u shaqeeyaa?

Waxaa waayahan dambe aad loo hadal hayaa lacagta cusub oo loo yaqaaan Bitcoin, oo lagu wareeray sarakaca iyo isbed- beddelka qiimaheeda, laguna murmay saadaasha sifahay ku dambeeyn doonto iyo siday u saameeyn doonto hannaanka maaliyadda ee adduunka.

Waxaan isku dayayaa inaan maqaalkaan si kooban ugaga faaloodo lacagta Bitcoin

Bitcoin muxuu yahay?

Lacaga kale oo la nooc ahi waa jiraan, laakiin Bitcoin ayaa ugu dhumuc weyn. Waa lacag ka socota, lagana farsameeyo internetka dhexdiisa (e-money) oo aan ugu yeerayo lacag-kombiyuutar. Waxaa jira shabakad (network) ka kooban shakhsiyaad toos iskugu xiran oo aan ugu yeerayo ‘Madasha”.
Ka qaybgalayaasha madashaas ayaa lacagtaas sameeya, lana socda dhaqdhaqaaqeeda islamarkaana hubiyana tiradeeda iyagoo adeegsanaya kombiyuutarro aad u awood badan (super computers), iyo hal-xiraale xisaab ah.

Ma aha lacag dawladdi ka dambeeyso oo ay damaand qaaday qiimaheeda. Ma aha lacag Bangi Dhexe soo saaray oo uu mas’uul  ka yahay  maamulkeeda iyo kormeerkeeda.

Fikradda ka dambeeysa lacagtaan waa in meesha laga saaro dawladda oo dadka wax is dhaafsanaya ama wax isu xawilaya ay si toos iyagu u xiriiraan, dhexdana ka bixiyaan hay’addaha maaliyadda ee dawliga ah.

Dadka fikraddaan taageersan waxaa ka mid ah dadka loo yaqaan (libertarian). Waa kuwa mar kasta ka dhiidhiya faragelinta dawladda. Waa kuwa dawladdaha iyo siyaasiyinta ku dhaliilla  inay ku tagrifalaaan soo saaridda lacagta, islamarahaantaasna u ol’oleeya in loo noqdo habkii dahabka (gold standard). Waa kuwa yiraahda dawlad la’aan in la noolaan karo waxaa u daliila ah Soomaaliya.

Dadka qaar kalena waa kuwo caashaqsan teknolojiga cusub. Waa kuwa halabuurra barnaamijyada kombiyuutarka (software programmers) ama jabsada hadday doonaan oo halkaas fursaddi uga bidhaantay. Kuwa kalena waa kooxo doonaya meel ay ku qarsadaan hanti sharcidarro ku soo gashay, kuwa ka guurraya lacagaha dalkooda oo sicirbararku dilooday iyo kuwo kacaan ah oo ka caraysay sida  maalqabeenka Wall Street, ra’sumaaliyiinta iyo madaxda bangiyada waaweeyni u kharribeen dhaqaalaha adduunka.

Bitcoin wuxuu furayaa dood: Ma waxaad aaminaysaa lacag wasiir-maaliyadeed soo saaray mise mid kombiyuutar soo saaray? Ma waxaad aaminaysaa baabuur darawal wado mise mid kumbiyuutar wado?

Dib-u-milicsi kooban ee taariikhda lacagta

Intaanan lacagtaan faahfaahinteeda hoos ugu gudagelin, bal aan si kooban dib u milicsado waayaha iyo heerarka lacagtu soo martay iyo siday marba markii ka dambeeyey horumar ugu tillaabsaneysey ilaa la gaaray in la adeegsado e-money.

Waxaa jiray mar lacagtu ahayd shay badeeco ah sida cusbada, galleeyda, kalluunka, tubaakada, lo’da iwm. Bal malee dhibaatada iyo rafaadka lagala kulmi karo neef lo’ ah oo lacag ahaan loo isticmaalayo. Waa laga guuray habkaas oo waxaa lacagta laga tumay macaadiinta qaaliga ah sida dahabka iyo qalinka oo iyaguna dhibaatadooda lahaa. Tusaale, mar kastoo la isticmaalayo dahabka waxaa loo baahday in la hubiyo in dahabku yahay mid run ah ee aan lagu khaldin macaadin kale oo raqiis (bulukaati), in miisaanka lagu sheegay uu yahay sax, iyo sidii looga badbaadin lahaa tuuggada iyo burcadda?

Baahidaas waxaa daboolay Dahabley ku takhasustay kaydinta iyo hubinta dahabka, dadkana siiya rasiid qeexaya tirada iyo tayada dahabka loo dhiibtay. Muddo markii la joogay oo la aaminay Dahableyda, intii mar kasta dahabka la soo qaadi lahaa oo la sii qaadi lahaa, waxaa la bilaabay in rasiidyada lacag ahaan loo isticmaalo oo la isu wareejiyo, waxna lagu kala gato. Rasiidkii ayaa noqday xaashi-lacageed, waana halka uu ka yimid ereyga “banknote”. “Banco” waa erey af Talyaani ah, oo tilmaamaya miiska dahableydu fadhiyeen, “note” waa qoraalka ama rasiidka ay qorayeen.

Markey Dahableydu arkeen in rasiidkooda lacag ahaan loo isticmaalayo, waxay bilaabeen inay daabacaan rasiidyo bug ah, ka dibna dawladda ayaa gebi ahaanba la wareegtay lacag daabicidda oo hawshaas u igmatay Bangiyada Dhexe; sharci adagna ka soo saartay ciddi been abuurta.

Ka gadaal, waxaa kobcay ganacsiga iyo dhaqaalaha adduunka, waxaana loo baahday in la isdhaafsado maalaayiin lacag ah oo aan kaash ahaan loo qaadi karin in jeegag lagu qoro mooye. Taasna wwaxaa ka danbeysay in ilaa casrigan internetka iyo teknaloojiga xawliga ku socda uu suurrta geliyey in lacagta kaashka ahba laga maarmo, sida hadda Soomaaliya ka dhacday.

Haddaba su’aashu waxaty tahay maxay ku kala duwan yihiin lacagta “electronic” ah ee teleefonka (Hawada) lagu shubo iyo lacagtaan Bitcoin oo iyaduna ‘electronic’ ah.
Haddi aan arinkan u kuur galno, laba  qodob ayey ku kala duwan yihiin:

1) lacagta teleefonka lagu shubo (lacagta Hawada) waa lacag horey u jirtey oo dawladdi soo saartay sida dollarka Maraykanka. Hase yeeshee lacagta Bitcoin waa lacag madaxbannaan oo iskeeda u taagan oo aan sharci dawladdeed ku socon (legal tender).

2) lacagta teleefonka labada qof oo wax isdhaafsanaya waxaa u dhexeya Bangi ama Shirkad isgaarsiin sida Golis/Hormuud oo lacagta hubinaya.  Lacagta Bitcoin dadka macaamilaya toos ayey u xiriirayaan, dhaqdhaqaaq kasta oo xisaabtu sameeyso isku mar ayaa dadka madasha ku jira u arkayaan, u helayaan, una hubinayaan, si aynan u dhicin in  qof diro lacag uusan haysan. Waxaana arrintaa u suurtagelinaya teknoolojiga ay adeegsanayaan oo loo yaqaan “blockchain”.

Yaa sameeya lacagta Bitcoin?

Lacagtan waa hindisay shaksi lagu sheegay Satoshi Nakamoto oo xeerkeeda dajiyey. Waa qof is qarinaya oo aan la garaneyn haybtiisa iyo tilmaantiisa. Waxaana loo badinayaa inuusan qof keliya ahayn ee ay yihiin koox.

Si lacagta loo soo saaro ama loo abuuro waxaa loo baahan yahay barnaamij kombiyuutar (software) oo qof kasta soo dejisan karo iyo xalinta hal xiraale xisaab ah (algorithm). Qof kasta oo madasha ka mid ah oo hor xalliya halxiraalaha wuxuu hadda helayaa 12.5 Bitcoin. Waana abaalmarin loogu talagalay ka qaybgalayaasha Madasha oo xisaabta iyo barnaamijka daadihiya. 10kii daqiiqoo kastaba qof ayaa ku guuleeysanaya lacagtaas. Lacagta la abuurayo si qorsheeysan ayey u yaraneeysaa xilliba xilliga ka dambeeya ilaa la gaaro 21 milyan Bitcoin sanadka 2040 waqtigaasoo ka gadaal aan lacag dambe la soo saarayn. Ilaa iyo hadda waxaa la sameeyey 16.8 milyan Bitcoin.

Qof kasta iskama soo saari karo lacagta. Waxaa loo baahan yahay kombiyuutarro aad u awood badan oo u cunaya korontada sidii warshad iyo dabcan aqoontii iyo xeeladdii lagu xallin lahaa halxiraalaha.

Siyaaba kale oo loo heli karo Bitcoin waxaa ka mid ah inaad ku beddelatid (ku iibsatid) lacag kale sida doollarka, Euro iwm. ama inaad ku kasbatid badeeco ama adeeg aad gaday. Waxaa jira shirkado dullaaleey ah oo kuu fududeeynayaa la macaamilka Bitcoin.

Dadka lacagtaan hindisay, ama ha guuleeysteen ama yeeysan ku guleeysan, waxay ku fakarayeen inay sameeyaan laqcag dahabka oo kale ah oo adduunka oo idil ka socota. Waa mare, lacagta sameeynteeda waxay ku magacaabeen “mining” sidii macdan dhulka hoostiisa laga qodayo. Qalabka wax lagu qodoyana waa kombiyuutaro iyo xisaab ee ma aha garweeyn iyo cagaf. Waa mar kale, tirada lacagta la sameeynayo waa xadideen, si ay macduun u noqoto sida dahabkoo kale.

Halkan ka akhri: “Bitcoin” muxuu yahay, sidee buu u shaqeeyaa?

Maxamed Dalmar
Email:mdalmar@sympatico.ca
——————–
Maxamed Dalmar waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo ahaa Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, islamarkaana Bare Sare ka ahaa kuliyaddii Dhaqaalaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Dalmar  waxa uuu degelkan WardheerNews kaga  faaloodaa arimaha dhaqaalaha 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2018 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.