Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Seygii Saaqidka Ahaa! (Qaybtii 3aad)

W.Q. Cabdicasiis Maxamed Shidane

Shidane
Cabdicasiis Shidane

Laba toddobaad ka dib, waxaan ku soo laabtay gurigii hooyo Ceynabo, aniga oo walbahaar ka qaba halka xaal ku dambeyn doono. Runtii, uma aanan muuqan qof niyad-sami ku jooga. Hooyo waxay igu wargalisay in Jimcaha soo socoda lagu ballansanyahay in loo gardhigto ehellada seygaygii aan isa seegnay. Annaga waxaa xaggayaga na matalaya abtiyaashay, balse, wali la iima suurtogelin in dhibka i haysta iyo xaaladdii qallafsanyd ee aan soo maray aan u sharraxo ragga shiri doona. Anigoo arrintaa maanka ku haya ayaan hooyo Ceynabon ku iri; “hooyo abtiyaashay ma u faahfaahiyaa sida ay wax u dhaceen iyo sartu halka ay ka quruntay, oo wax iska qaban la’yihiin?!” Hooyo Ceynabo sidii qof wax dhimay ayay ii fiirisay  si degdeg ah iyadoo aan hadalkyga u bogin iiguna  warcelisay “maya, maxaa yeelay, waa ceeb in naagi rag ka hor andacooto, talada ragbaa ku jiree u daa”. Markaas ayaa anigoo arrinta ka walaacsan rajo fiicanna aan ka qabin waxa kullanka ka soo bixi doona aan naftayda hoos iskula hadlay oo dhahay, “midka garta loo dhiganayo iyo kan garta qaadaya, soo inan rag uun ma aha oo isku dhaqan ma aha, oo isku fikrad kama heystaan qofka dumarka ah?!”

Waan iska joogay, waxaanan billaabay in aan dugsigiii iska aado, ilaa laga soo gaaray maalintii lagu ballansanaa kulankii lagu gorfaynayay arrintayda ee “garnaqsiga” ahaa. Wax la wada hadlo, oo ninba u dhiibo hadalka ninka kale,  waxay arrini ku soo gabagabowday in gabadha aqalkeedii lagu celiyo, maadaama uu seygeedu diyaar ula yahay marriin, masruuf iyo minan camimarn. Haa, lacag iyo guri weyn! Noloshuba saw intaas uun ma’ahan. Naag intaas haysata maxaa ka maqan ee wareerinaya, saw waalli ma’aha. Hadda taasi waa sida ay u fahansan yihiin nolasha qoyska ragga meesha iskugu yimid oo idil. . Seygaygu wuxuu si xooggan ugu andacoonayay in uu lacag iyo nolal baraxtiran i siiyey, balse, abtiyaashay, mawduuca gudaha uma aysan galin, oo waa ka dhawrsanayeen in lafagurid toos ah lagu sameeyo dhibka jira. “Nin iyo naag isqaba, waxa dhex yaalla lama faagfaago” oraah micnaheedu sidaas tahay ayaan ku waayey xaqsoorkii iyo gartii aan mudnaa. Waxay ahayd madal uu ninkii garta loo dhigtay uu goobta ku suganyahay arrintiisana ka soo jeedinayo iyadoo tixgelin iyo maamuus sare ay u wada hayaan ragga kulanka joogaa illeen waa nin Ilaah wax siiyee, anigii dhibbanaha ahaana wax kale iska dhaafe aan cid wax i weydiisay aanay jirin. Taasi ma caddaaladbaa. Haa waa caddaaladda dhaqanka Soomaalida ee raggu samaysteen

In aan ku noqdo gurigaas oo aan noqdo mar kale oorida ninkii aan ogaa dhaqankiisa, waxaan ka xigay in aan nolasha isdhaafiyo, ama aan qabto meel cillan oo aan qofi ogeyn. Waxaa maskaxdayda mar keliya isugu soo ururay oo ii sawirmay wax alla iyo waxa qof dhibbani ku dhaqaaqo. Iska tahriib, maya isdil, maya, isaga qudhiisa nolasha dhaafsii, oo sun iyo waabay u walaaq, iyo waxyaabo kale oo badan oo cadaadiska iyo maskaxfalluuqu igu kallifayay. Gartii markii ay soo idlaatay, laguna kala faatixeystay in aan boorsadeyda qaato, oo aan caawa dhaqaajiyo ayaan u xirxirtay. Ma aqaan meel aan aado, waxaa ila soo yaraaday dhulkii. Talaa igu caddaatay. Waxaan wacay saxiibtay Xulbado, waxaanan u sheegay sida wax u dhaceen. Waxey igu dhiirrigalisay in aan u imaado, oo iyada la joogo, ilaa iyo inta si wax ka noqonayaan. Illinta, uur-gunadka, iyo aaya-xumada i haysata wax aan ku micneeyo ma garaneyn. Waxaan dareemay dhibka aabbo la’aanta. Mararka qaar waxaan ku cataabayay weedhaha iyo erayada ay ka mika ahaayeen “Allow maxaad aabbahey u dishay?! Maanta wuu i garab siin lahaa, mana ogollaadeen in uu nini gabadha qura ee uu dhalay sidaas ugu ciyaaro aayatiinkeeda.”

Ma jirin wiilal walaalo aan nahay oo iga weyn, oo maanta aan miciinbidayo, iyo aabbe ifka iigu nool. Qoyskeygu wuxuu dareemay ceeb iyo in aysan haysan gabadh wax ma qasha, oo wixii raggu ugu taliyo yeesha.. Waxey iga soo qaadeen qof lunsan oo qardajeex ku socota oo dhaqan iyo diin midna ku taagnayn. Haa qof kibirsan oo ka tillaabsatay xuduuddii sharciga Alleh iyo dhaqanka. Sharci iyo dhaqankee?! Ma ka haweynayda gumaynaya ee dilka, afxumada, quursiga, bahdilka, iyo  niyadjabinta ku  taageeraya ragga? Ilaa iyo hadda ma fahmin waxa ay ula jeedaan sharci iyo dhaqan. Mar laga joogo bil, oo wali xasaraddii taagan tahay, seygayguna uu iska dhigayo nin duud libaax ku dhandiiga (dhaqan iyo diin), uu u adeegsaday si ka baxsan anshaxa iyo karaamada Aadanaha, ayaa waxaan qaatay go’aan kii iigu adkaa. Waa go’aan aanan waligay ku fakarin. Go’aan ah in aan dalkaan iyo dadkiisa iskaga hayaamo, maadaama aanay nolol aan ku farxaa iigu suurtogalayn, uuna ii la mid yahay xabaal ama xabsi ciqaabeed. Waan ogahay in waddada iga horreysaa aysan ahayn mid ubax iyo fiyoore ku daadsan yihiin, balse, waxey ii dhaantaa in aan ku jiro cadaabtaan iyo ciqaabtan abaabulan ee la is ku wada raacsan yahay. Mashaqo waxay ka taaggan tahay qarashkii aan ku anbabixi lahaa. Wax ma haysto, oo ma aanan ahayn dumarka wax keydsada, oo wax kala qabbeeya. Maxaan dhigaal yeeshaa, buuqii aan ku billaabay nolasha ayaan ku soo baxaye!

Saaxiibtey Xulbado oo ahayd qofka qura ee aan adduunka u xog sheegto ayaa mar kale i gacan qabatay oo abaal aanan gudi karayn ii samaysay. Waxay iigu deeqday dahabkeedii oo ay ii iibisay, si aan ugu aado meel alla iyo meeshii aan is leeyahay nafis iyo nasiinaad ku dareemaysaa. Saaxiibka dhabta ahi waa ka aad u ciirsato maalinta aad baahantahay. Allaylehe Xulbado waa saaxiibad aanan weligay Illaawi karin. Waxaan xirxirtay boorsadeydii, si aan u soo aado Kenya, oo ah halka ay ii qorshaysantahay in aanu anbabixi doono haddii Eebbe ii ogalaado. Kenya cid kama aqaanno, oo ehel iyo asxaab midna  kuma ogi. Rabbi talo ku filan. Saaxiibtey Xulbado ayaa igu ballamisay wiil ay qaraabo kore yihiin oo ganacsi yar ku leh Kenya. Waxayna ku tartarsiisay in uu i saacido, oo uu ka qeyb qaato safarkayga. Waa markii ii gu horreysay nolasheyda oo aan ka baxo magaalada Muqdisho. Waxaan wacay hooyo Ceynabo, oo aan ogahay in aanay ku farxayn waxa aan u sheegi doono, naxdin iyo walbahaarna ay ka qaadi doonto. Way fiicnaan lahayd in aanan hooyaday warwar ku abuurin laakiin  ma jirto wax kale oo aan samynkaraa. Waxaan  ku wargaliyay in aan tahriibayo, oo aan iskaga tagayo dalkaan iyo bulshadaan iga xayuubisay bini’aadnimadii iyo karaamadii aan lahaa. Hooyo marnaba kuma qalbi-sameyn in aan tahriibo, oo waxey ka jeclayd in aan gurigaygii dib ugu noqdo oo aan reerkayga dhaqdo, oo ilmo uun iska dhalo. Aniga se nolasho micno iyo qiimo kale ayey ii lahayd. Safarkii aan soo galay, waxaan baabuur ka soo raacay bartamaha suuqa Bakaaraha. Qofka qura ee i sagootinaysa waa saaxiibtey Xulbado. Waxaan soo raacay gaari cariiri ah, oo rakaabkiisu rag u badan yahay. Rag mid walba isku dayayo wax cillan iyo sheeko aanan kal iyo laab u heynin. Mar aan soconno maalin iyo badh, ayaan kulayl iyo huur la joogi waayay. Waxaan billaabay in aan iska dhigo xijaabkii aan watay, madaama aanan xammili karin. Xijaabka aan dhigayo waa kii markaan jiray tobbanka sanno la ii galiyey. Waa nooca laga qaato Gacanka Carabta. Waxaan billaabay in aan qaato dhar caadiya, sida; Dirac, Googarad, Guntiino, Gambo, iyo garbasaar.

Safarku aad ayuu u dhib badnaa. Waxaan inta badan la kulmayay daandaansi rageed iyo qaxar fara badan, balse, waxaan u adadkaa sidii birta. Waxaan soo galnay Kenya, halkaas oo wiilkii la igu soo ballamiyay uu igu sugayay. Daal iyo diif ayaa iga muuqatay. Waad dareemi kartaa qof dumar ah oo aan haysan agabkii iyo waxyaabihii ay u baahneyd. Si kasta, danta aan leeyahay ayaa ka weyn silaca aan marayo. Gurey oo ah wiilka la igu soo xiray, wuxuu ii la dhaqmay si wacan oo qaddarin leh. Wuxuu i geeyay guri uu degganaa. Waa guri leh laba qol. Qol ayaa la ii banneeyay kaligay. Halkaas ayaan ku yara nastay, waxaana ii billaabmay taxanihii fakarka iyo waxa ay noqon doonto tillaabada xigta. Waddada qura ee ii furan waa in aan muruqeyga maalo. Waa in aan iska saaro gabadhi ma shaqeyn karto. Waa in aan ku tiirsanaadaa naftayda iyo garaadkayga. Waxaan billaabay shaqo inta badan aan ka faani jiray, balse, aan maanta ogaaday in shaqo nooc kasta oo ay tahay aysan ceeb laheyn, caymasho mooyee. Waxaan raadis u galay helidda shaqada loo yaqaan “adeegto, ama booyaas”. Xafiis, guri, Hoteel, iyo goob alla iyo goobtii aan ka helo fursaddaas shaqo in aan qabto ayaan go’aansaday. Wiilkii aan martida u ahaa iyo saaxiibbadiis ayaan si dabacsan uga codsaday in ay shaqadaas ii soo baadi-goobaan. Waa ila yaabeen, waxeyna la yaabban yihiin gabadh sidaan u jalaqsan oo shaqo caynkaas ah raadinaysa. Markii hore fikrad waxey iga hayasteen ah in aan Kenya u imid safar dibadda ah, sida waxa loo yaqaan “isxambaarka”, balse, wey wada fajaceen kolkii aan u sheegay in aan halkaan u imid in aan shaqeysto.

Shaqo raadinta kasokow, waxay billaabeen dhallinyaradu in ey igu qalqaaliyaan in aan magaalada u raaco, oo soo yara nafiso, maadaama aan ahay qof aan guriga ka bixin. Runtii, kuma kalsooneyn nin oo dhan, nooc kasta oo uu yahay. Baqdin iyo hummaag cabsi wadata ayaa ii muuqatay. Xodxodosho iyo sheeko warkeeda iska ba daay! Shaqadii ayaa la ii soo helay, waxaana la iiga soo helay laba xafiis oo ay kala leeyihiin shirkad ganacsato Soomaali ah ay leeyihiin iyo mid ajnabiya. Maalintii waa in aan siddeed saac ka shaqeeyaa. Afar saac xaafiis, afarta kalana xafiis kale. Shaqadu ma xumeyn, oo waan ku qanacsanahay, waayo jiritaankaygu in uu ii soo laabanayo ayaan dareemayay. Dhibka qura ee ku lifaaqnaa shaqadaan ayaa ahaa in ninku uu wax kale u arko qof dumara oo xafiiskiisa ka shaqaynaysa. Jeer walba oo aan kala kulmo daandaansi iyo faduul, waxaan sii dareemayay waxashnimada ninka ku duuggan. Waxaa igu sii kordhaysay cuqdadda aan ragga ka qabo. Waxaan soo xasuusanayay seygeygii. Waxaan isweydiinayay waxa dhaqankaas ka wada simay ragga. Dhaqanka quursiga iyo dullinimada xambaarsan ee ku aaddan dumarka.

Shaqada markii aan ka soo baxo, waxaan toos u imaan jiray guriga aan martida ku ahay, iskuma taxallujin jirin barashada magaalada iyo la haasaaweynta ragga. maxaa yeelay, niyad iyo naf u diyaarsan hawlahaas igu ma jirin. Guriga aan wax ka degganahay in aan nadiifiyo, wiilashana aan casho u kariyo ayaan xil is ka saari jiray, walow ay igu dheheen iska dhaaf. Nolashaydii wax badan ayaa is ka baddelay, oo ma aanan qaadan Taleefoon casriya, mana adeegsado baraha bulshadu ku kulanto, aniga oo awooda. Waxaa iigu wacan isbaddelkaas aniga oo noqday qof si xooggan u dhibsaday munaafaqadda gaamuurtay ee bulshadeenna dhex taalla, iyo dhaqanka ninka ee ku dhisan aabiga iyo anshax xumada.

La soco qaybta 4-aad

W.Q. Cabdicasiis Maxamad Shidane
Emai: [email protected]

Sidoo kale akhri

Qaybtii 1aad
Qaybtii 2aad

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.