Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Seygii Saaqidka ahaa (Qaybtii 10aad)

W.Q. Cabdicasiis Maxamad Shidane

Cabdicasiis M. Shidane

Muddo gaareysa laba maalin iyo laba habeen ayaan badda dhex heehaabeynay. Talo iyo tabar toona ma hayno. Qof walba waa quustay, oo wuxuu isku dhiibay geerida noo gacan haadineysa. Cid far nuuxin karta naguma jirin, waayo waa wada itaal gabnay. Kol aan quus iyo qaatibillaahi taaggannahay, ayaa waxaan aragnay nal iftiimaya, oo xaggeenna u soo socda. Aad ayaa loo wada farxay, xitaa kuwii miyirka iyo maanka gabay, waa soo wada baraarugeen. Mar walba oo aan u sii dhawaanno iftiinkaas noo baxaya, waxaa na soo galaysay rajo nololeed iyo farxad, “Alla naftu macaan badanaa!!”. Iftiinkii rejada  ee noo bidhaamayay, wuxuu noqday Markab ay leeyihiin Ciidanka Ilaalada Xeebta ee dalka Talyaaniga. Waxaan hubsannay in aan ku jirno  gacan badbaado iyo barako leh.

Markabkii ayaa noo soo dhawaaday, wuxuuna billaabay in uu na siiyo agabka loogu talagalay badbaadada iyo caagado biyo  ah, oo aan oonka iyo harraadka na haya iskaga jabinno. Sida caadiga ah dadku waa isbuurtaan, markii la marayo xaaladda badbaadinta. Qof walba wuxuu isleeyay noqo ruuxa ugu horreeya ee hela jaakadda badbaadada iyo cunta nafta lagu ceshto. Shil ayaa dhacay intii badbaadintu socotay, oo waxaa badda ku dhacay gabadh Itoobiyaan ah oo xaamila ahayd iyo wiil u dhashay dalka Neyjeeriya. Si loo badbaadiyo waa la waayay, oo ma jirin qof ku dhacda in ay gargaar u fidiso, markabkuna noo ma soo dhawaan karo, waayo waxaa jirta masaafo in uu noo jirsado uu ku qasban yahay, haddii kale biyaha xooggan ee uu tuurayo markabku ayaa doonta dhan ee aan saarannahay qallibi kara, arrintaasna ciidanka Talyaanigu waa ka war hayeen.

Xarko doonta lagu xiro si loo jiido, jaakado dabaasha loogu talagalay, iyo biyo ayaa na loogu deeqay, sidaas ayaan ku badbaadnay, ugana badbaadnay baddii Alla Fircoon ku halligay, sida la yiri, iyo geeridii aan u soo bareernay. Waxaan xaqiiqsanay in riyadayadii ahayd in aan mar uun Yurub meel ka mid ah cagaha dhignaa ay noo rumawday. Waxaa na la geeyay Jasiiradda Lambaduusa ee ku dhex taal dalka Itaaliya. Waxay ahayd meesha noo gu dhaw ee aan ku badbaadi karno. Goor maqrib ku aaddan ayaa na la keenay xero ama kaam ku dhex yaal jasiiradda. Dhawr boqol oo qof ayaa ku jirtay xerada. Been Allaa caayaye, si fiican ayaa na loo soo dhaweeyay. Waxaa na loo qaybiyay dhar, biyo, buskut, iyo in la baaro caafimaadkayaga. Waa nala buufiyay sida cayayaanka. Haa dhammaantayo waxaa laga buufiyay korgalka iyo wixii jeermis ah oo la xariira cadhada. Ragga qaar waxey ka maageen in gabadh ka shaqayneysay xerada ay ka buufiso jeermiska iyo bakteeriyada ku jirta jirkooda, balse, waxaa loo sheegay in xilligaan aysan ahayn xilli qofka kuu shaqaynaya lagu eego indho nin ama mid haween.

Waxaa na la siiyay kaar Taleefoon, oo loogu talagalay in aan eheladii kula xariirno, si aan ugu sheegno in aan bad-qabno, oo aan ka soo gudubnay nolashii Jaxiimada aheyd ee nagu heysatay dalka Liibiya. Waxaan wacay hooyo Ceynabo iyo saxiibtay Xulbado. Hooyo markaan u sheegay in aan soo caga-dhigay dalka Talyaaniga, ooyin ayey la dhacday, ilaa ay gabtay tabar ay igu la sii hadasho. Aniga qudheydu waa ilmeynayay. Waxaa dhabarka iga salaaxaysay gabadh ka shaqeysa xarunta aan markaas ku jiray, iyada oo i dareensiinaysay wehel iyo in aan adkeysto. Arrintii la xariirtay seygayga, maba xasuusan, oo qalbigayga boos kuma lahan. Baal madaw oo aan ka jaray nolashayda ayuu noqday, walow uu jiro dabar sharciyeed wali iga daba wada ninkaas, hasayeeshee, ma ahan wax go’aankayga wax ka baddeli doona.

Talyaaniga markii aan imaaday, waxaan arkay bulsho iga xoog badan, oo aan la qabsan waayey qaab nolaleedkeeda. Afkii wadanka ma garanayo, isdhexgalka bulshadana ma fahmin waxa loola jeedo. Waxaa igu xirnayd baqdin ah; “Gaalada iska jir”, waxa kasta oo ay i dhahaan shaqaalaha caddaanka ah ee noo shaqaynayay, waxaan u qaadan jiray bilcaksi, mana aaminin marnaba.  Waxaan sugo oo nolosha cusub la tacaalaba lix bilood ka dib, waxaan helay aqoonsiga Qaxootiga Caalamiga ah. Maalintii sharciga waddan ku joogista la i siinayay, ayaa waxaa la igu war galiyey in aan ku soo dhawaado waddanka Talyaaniga. Askari ka mid ah askarta ka shaqeysa Laanta Socdaalka iyo Dhalashada, ayaa wuxuu si buuxda iigu yiri; “Noolow, oo xamaalo, aayatiinkaaguna gacantaada ayuu ku jiraa”, aniguna waxaan ugu jawaabay af-Talyaani jajab aha, balse, ilaa iyo xad la fahmi karo. Waxaana ku iri; “Arsaaqaddayda Allaah ayaa ka faala qaaday”. Ima uusan fahmin, ee wuxuu hadalkiisa ku soo afmeeray; “Mahadsanid, nasiib wacan ayaan ku rejaynaa”. Sharciga waddanka aad ku joogi lahayd  in lagu siiyaa waa wax weyn oo lagu farxo heseyeeshee illeen sharciguba shartiisa ayuu wataa. Maalmo ka bacdi, waxaan waayey meel aan jiif iyo qubays ka helo. Waxaan billaabay in aan cuntada u doonto goobaha lagu quudiyo dadka saboolka ah iyo waayeellada aan mushaarkoodu ku filnayn. Jiifka waxaan u doonan jiray dhismooyinka gaboobay ee ay jiiftaan dadka lagu tilmaamo “dadka nolasha ka dhacay”. Waxaan waayey wax ii hiilliya, ehel. qaraabo, saxiib iyo sokeeye, midkood ma jirin. Waxaa ku dhex legdamayay nafsaddeyda awoodda waxa xun iyo waxa san.

Waxaan iska dhaadhiciyey in aan haleeli doonin dhadhanka nolasha. Waxaan billaabay in aan la saaxiibo Eeyaha iyo duulal aan la garaneyn, sababta oo ah waa wehelka qura ee aan haysto. Sidaas oo ay tahay, waan faraxsanaa, oo waxaan cuno iyo waxaan cabbo ma wayn jirin, caafimaadkayguna wuxuu ahaa mid hagaagsan, balse, reer iyo aayatiin dambe waa waxyaabaha aan fahmin wali waxa loola jeedo. Dareenkaas waxaa ii gu wacan nolashii qoyska ee aan ku fashilmay, saameyn xunna ku reebtay qaab fakarkayga iyo guud ahaan sida aan nolasha adduunyo u arko. Waxaan naftayda ka dhaadhiciyay in sahmintii nolasha aan ku guuldarraystay, oo yool iyo nuxurkii ay lahayd xayaatadu aan gaari waayey, wax kastana ii la sahlanaayeen sida geerida iyo nolasha, maxaayeelay, haddii aan ka tago dunidaan, dheef iyo dhaxal midnaba inaan la iga helayn ayaan aaminay, oo waxaan ku saleeyay nolasha aan ku suganahay haatan in aan u nolaado sida cimilada is rogrogidda badan. Wax walba oo aan ka aaminsanaay nolasha Yurub waa isbaddelay. Waaqaca nolaleed iyo filimkii ii shidnaa ayaa isdiidday. Dhalanteedkii aan sawiran jiray iyo dhabta meesha ka jira waxey kala noqdeen kaf iyo kala dheeri.

Nabad lagu naalloon karo way jirtay dalka Itaaliya, waliba mid si fiican loo gu diirsaday, oo qof shakhsiyaddaada ku xadgudbaya ma jirin, balse, qalbigu ma xasilloonayn. Shaqo la’aan, iskuul la’aan, hooy nidaamsan oo aad qabowga ba’an ka gasho oo aan jirin, meel aad qubeys iyo nasasho ku sameyn karto oo aanad haysan!! Waxaas oo dhan waxey igu noqdeen utun iyo laf dhuun gashay. Nafta igu jirta in la gooyo, iyo kufsi kama cabsaneyn, balse, waa suurtagal weyn in aam si dadban ugu gacan galo Maafiyada ka ganacsata dhoofinta dadka, daroogada, dhilleysiga iyo sharciyada been abuurka ah, waliba iyaga oo adeegsanaya dad kugu hayb iyo diin ah. Inta badan, waxaan xoogga saarayay in aan afka Talyaaniga barto, maadaama afku yahay furaha aan bulshada ku fahmi karo, hasayeeshee, waxaa caqabad igu noqotay xasilinta nolasha iyo hooyga. Dawladda aan martida u ahay, ee aqoonsiga i siisay, waa Jamhuuriyad ku dhisan shaqo iyo wax soosaar. Taas oo micnaheedu yahay in aan isku tashto, oo aanan cidna wax ka sugin. Runtii, qof sidaas oo dhan u diyaarsan ma aanan aheyn, maskax ahaan iyo jidh ahaanba. Waxaa kaaga sii daran, qofkii aad talo weydiisato, wuxuu ku leeyahay, “iskaga tag waddankaan saboolka ah ee aan ceyrta bixin”. Dadka sidaas kugu oranaya, waxey u haystaan in ay talo qumman ku siinayaan, balse, waxey kaa sii tuurayaan bohollo, maxaa yeelay, meel kale iska ma dhiibi kartid, oo farihii iyo sharcigii aad horay u qaadatay ayaa soo baxaya.

La soco qeybta 11aad.

W.Q. Cabdicasiis Maxamad Shidane
Email: [email protected]
———————————————–

Sidoo kale akhri
Qeybtii 1aad

Qeybtii 2aad
Qeybtii 3aad
Qeybii 4aad
Qeybtii 5aad
Qeybtii 6aad
Qeybtii 7aad
Qaybtii 8aad
Qaybtii 9aad

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.